Muumin Seed oo u digay Muuse Biixi
Borama Feb 04, 2023 (QJ) – Wasiirkii hore ee beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa warqad furan u diray Muuse Biixi ayuu ku sheegay in dalku yahay dal ay wada daganyihiin dad kala duwan islana ogol dawladnimadda somaliland, hasayeshee iskuma wafaqsana SNM.
Sidaas awgeed waa inaad ogsonaantaa hadii la hanan waayo dadka daga goboladda darafyada waxa khatar ku sugan jiritaanka somaliland.
Wasiirku waxa uu ka digay in in aan marnaba lagu kasban karin dadka reer Awdal cabudhin, ciidamo iyo awood, haddii awood lagu xajin karo dad, somalilaand kamay tagteen somaliya.
Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland ayaa ku yiri Madaxwenaha ka daa cabudhinta iyo ciidamadda dhaliyarada gobolka Awdwal aad u dirtay ee si ay cadaw ladagalamayaan gawaaadhida hubaysan lagu argagax galinayo, ogowna arinta laascanood ee faraha kasii baxaysa waxay ka bilamatay sidaas dhaliyarada Awdal oo kale.
Hadalka wasiirkii hore ayaa imanaya xili maanta magaalada Boorama laga hor istaagay in dhalinyaro reer Boorma ahi ay halkaa xus ugu sameeyaan dad ay Jabhadii SNM Awdal ku leysay horaantii 1990nadii.