Baaq ku saabsan SSC oo loo jeediyay Dawlada Soomaaliya
Muqdisho Feb 04, 2023 (QJ) -Siyaasiyiin hore oo isugu jira Guddoomiyeyaal baarlamaan, RW yaal, wasiiro Iyo aqoonyahan kale oo Soomaliya ah ayaa baaq ka soo saaray xaalada degaanada SSC ee murugsaneyd todobaadyadii u danbeeyay.
Waxgaradkan ayaa ka dalbaday dawlada Soomaaliya in ay difaacdo dadka degaanada SSC ee u taagan bey yiraahdeen misnimada Soomaaliya.
Waxa ay nasiibdaro ku tilmaameen in 30 aan xal loohelin arinta Somaliland dalkana aan dib loo mideyn. Waxa ay sheegeen in dadka SSC ay xaq u leeyihiin dalbkooda Midnimo Iyo aayo ka tashigooda.
Waxa ay muhiimad gaar ah siiyeen in si dheelitiran oo isla ogol ah loo baadi goobo heshiis arinkan laga gaaro.
Hadalka ayaa imanaya xili magaalada Laascaanood ay ku shirayaan garaadada Iyo waxgaradka SSC isla markaana la filayo in ay halka ka soo saaraan goaamo masiiri ah.