|

IGAD oo ka hadashay arinta Sool iyo Garaadada oo jawaabay

Addis Ababa Feb 03, 2023 (QJ) –Urur Goboleedka IGAD ayaa hanbalyeeyay dedaal ay sheegeen in Madaxweynaha Jabuuti Ismail Cumar geele uu ugu jiro dejinta xaalada Laascaanood, Xoghayaha guud ee IGAD Worjneh Gebeyehu ayaa sheegtay in walaac ka dhashay kacdoonka Laascaano uu jiro isla markaana loo baahan yahay xal.

Waxaana uu ku amaanay Madaxweynaha Jabuuti dedaalada uu haatan wado ee dejinta xaalada Sool kuna booriyay in uu arinka sii wado. Balse madaxdhaqameedka SSC ee haatan shirka aayo-ka-tashiga uga socdo Laascaanood ayaa arinka ku gacan seyray, afhayeenka guddida 33 da ah ee shirka madaxdhaqameedka SSC Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug ayaa saxaafada u sheegtay in aaney soo dhaweyneyn wadahadalada lagu baaqay inta ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin degaanadooda.

Xaalada Laascaanood ayaa kacsaneynd intii ka danbeysay isku dhacyadii ciidamada Somaliland Iyo dadka degaanka, waxaana maalmihii u danbeeyay magaalada la sheegtay in shacab badani isaga baxeen.

 

Comments are closed