Somaliland oo ka digtay diwaangelinta Puntland
Feb 01, 2023 (SD) -Xukuumadda Somaliland ayaa uga digtay Puntland in aan diiwaan-gelinta codbixiyayaasha laga fulin karin deegaanka Dhahar, waxayna sheegtay in dadka deegaanku cabsho ka keeneen codsigii Puntland ee ahaa qaadashada kaadhka codbixinta.
Wasiirka horumarinta reer miyiga Somaliland Axmed Aadan Guray ayaa ka hadlay cabashada shacabka degmada Dhahar ay ku diideen qaadashada kaadhka codbixinta Puntland, wuxuuna faray in Puntland ixtiraamto go’aanka bulshada.
Waxa uu sheegay in beeshu ay go’aan ku gaartay in deegaanada Puntland aysan ka dhicin diiwaan gelinta codbixiyayaasha, islamarkaana Puntland ay xoog ku muquunisay dadka deegaanka kadib markii ay diideen qaadashada kaadhka codbixinta ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Puntland ayuu uga digay inay caburiso dadka deegaanka, waxaana uu ku nuux-nuux saday in Puntland aysan wax u dhimin ammaanka deegaanka.
Shacabka ku dhaqan degmada Dhahar ayaa ka cabanaya diwaan galinta codbixiyayaasha ee Puntland ay doonayso in laga fuliyo, taasoo keentay in ciidamada booliska Puntland iyo dadka deegaanka ay isku dhacaan.