|

Dalalka Safka hore oo isla qaatay dagaal ka dhan ah Shabaab

Muqdisho Feb 01, 2023 (QJ)- Kulan uu manta shir-guddoomiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa isugu yimid Madaxda dalalaka Jaarka, shirka ayaa waxa laiskula qaatay in si wadjir ah ay dalalka Soomalaiya, Kiinya, Itoobiya Iyo Jabuuti uga qeybqaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, sida lagu sheegtay war saxaafada loogu talogalya oo halka laga soo saaray.

Madaxda dalalka Safka hore ayaa sidoo kale ku baaqay in la iska kaashado bixitaanka ciidamada ATMIS isla markaana amniga dalka loogu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya.

Madaxda dalalka safka hore ayaa garowsaday dalabka Soomalaiya ee gacansiinta dagaalka dawlada kula jirto Al Shabaab Iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in Shabaabka laga saaro degaanada ay weli ku sugan yihiin.

Wadamada safka hore ayaa beesha caalamka ka dalbaday in ay gacan u fidiyaan dadka ku nool degaanada laga saaray Al Shabaab.

Warmurtiyeedka laguma sheegin sida dawladahan iminkaba ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay wixii iminka ka danbeeyay uga qeybqaadan karaan dagaalka.

Comments are closed