Shir Muqdisho uga furmay EAC
Muqdisho January 25, 2023 (QJ) -Shir ay isugu yimaadeen xubnaha urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Africa ee EAC oo looga arinsanayo sidii Soomaaliya urukaa uga mid noqon laheyd ayaa manata Muqdisho laga furay.
Shirka oo uu martigeliyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Axmed Huruuse ayaa eegaya sidii loo fududeyn lahaa in Soomaaliya si buuxda ay ugu biirto ururka EAC.
Shirka manta goaanka lagu gaarayo oo ay ka qeybgalayaan dhamaan xubnaha ururka ayaa qiimeynaya faaiidada laba dhan ugu jirta ka mid noqoshada EAC.
Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya ee EAC Cabdislaam Hadliye ayaa xaqiijiyay in shirka manta goaan ka gaaridoono in Soomalaiya ay ka mid noqoneyso ururka iyo in kale.
Ergeygu wax sharaxaad ah oo ku saabsan faaiidaa bulshada ka heleyso ku biirida ururkan haatan bacdamaa ay kooban tahay dhaqdhaaqyada ganacsi ee Soomaaliya dalalka deriska la leedahay.