AFRICOM oo duqeyn ku dilay Laba dagaalyahan
Mogadishu January 24, 2023 (QJ) – Ciidamada Mareykanka oo taageeraya kuwa Soomaaliya ayaa sheegtay in shalay ay aaga degmeda Xaradheere ka fuliyeen duqeyn dhanka circa oo ay ku bartilmaansadeen dagaal yahano ka mid ahaa Al Shabaab.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaa ay ku dileen inta la xaqiijiyay laba ruux. Taliska Mareykanka Africa ayaa sheegtay in aaney ka war heyn cid shacab ah oo duqeyntaa wax ku noqotay.
Aaaga Xaradheere ayaa maalmihii u danbeeyay ahaa goob iska horimaadyo ka dhaceen isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dawlada.
Madaxweynaha Soomaaliyana waxa lagu wadaa in uu halka dhawaan booqdo.