Somaliland oo diginin u dirtay Madax-dhaqameedka Sool
Laascaanood January 21, 2023 (QJ) – Dawlada Somaliland ayaa manta war ay ka soosaartay kulan ay issimada Sool kuyeelanayaa magaalada Laascaanood waxa ay ku baaqday in aan looga dhawaaqin qodobo lidi ku ah jiritaanka Somaliland.
Qorllkan ka soo baxay wasirada ku sugan Laascaanood oo kulanka issimada lagu fasaxayo ayaa sidoo kle diginin u jeediyay in maamulo shisheeye shirka dhaqan ay soo farogeliyaan.
Wasiirada Somaliland ee mudada haatan ku sugnaa Laascaanood ayaa ku guuldareystay dejinta shacabka reer Laascaanood ee dalbanaya in ay ciidamada Somaliland isga baxaan dhulkooda.
Geesta kalena madaxweyne ku xieenka Puntland Axmed Karaash oo isna taageeray shirka dhaqanka Laascaanood uga furmaya madaxdhaqmeedka degaankaa ayaa isna dalbaday in aan shirka aan la faro gelin isla markaana aan la siyaasadeyn.
Madaxdhaqameedka degaanada SSCa ayaa maalmihii danbe isku urursanayay magaalada Laascaanoood oo haatan ah xarunta kacdoonka dadka diidan joogitaanka Somaliland.