QM oo Soomaaliya ka cafisay khidmooyinkii
NY January 21, 2023 (QJ) – QM ayaa manta sheegtay in Soomaaliya oo aan bixin kharashaadka gollahaa sanadkii labaad in loo fasaxay ka qeybqaadasha hawlaha golahaa sida codeynta.
Qoraal ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee QM, António Guterres ayaa lagu sheegay inay jiraan dhowr waddan oo kale oo ku guul-daraystay inay bixiyaan lacagta Qaaraanka ee Miisaaniyada lagu socodsiiyo shaqada Hay’adda QM oo aan iyaga loo ogolaan in ay codeeyeen.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa intaa raaciyay in dalalkan ku guul dareestay bixinta lacagta qaaraanka wali fursad heestaan, waxa uuna cadeeyay haddii ay iska bixiyaan lacagta lagu leeyahay loo oggolaan doono xuquuqda codbixinta.
Dawladihii isaga danbeeyay Muqdisho oo ku cellceliyay soo celinta sumcada Soomaaliya ayaa ku guuldareystay khidmada bixinta sumcada ugu sareeysa oo ah ta QM.