|

Al Shabaab oo weerar ku dilay talexigeenkii Danab

Galcad January 20, 2023 (QJ) Dagaal saaka aroortii ay Al Shabaab ku qaaeen xarun ciidan oo ciidamada Danab ay ku leeyihiin degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ka dhashay khasaare baahsan.

Dagaalka oo isugu jiray weeraro loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo mid fool ka fool ahaa ayaa halka ku dhexmaray komaandoosta Danab iyo degaalyahanada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheeegay in uu ku geeriyooday Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan Tuure iyo tiro kale oo cidamdii uu hogaaminayay ka tirsanaa.Geesta kalena war ay dawlada Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegtay weerar circa ahaa oo saaxiibada Soomaaliya uga jawaabeen weerarka lagu dilay 100 ka mid ahaa dagaalyahanadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday, isla markaana lagu gubay gawaari ay wateen.

Shabaabka ayaa iyaguna dhanooda sheegtay in at askar tiro badan weerarka ku dileen isla markaana ay kala wareegeen ciidamada Mareykanku tababray gawaari dagaal oo faro badan.

Dagaalada u dhexeeyay ciidamada dawlaa oo kaashanaya dadka degaanka ayaa haaatan u muuqda in uu galay weji ka duwan kii uu ku bilowday, Shabaabka oo degaanadii ay hore uga ariminayeen laga wareegay ayaa haatan qaadaya weeraro lala beegsanayo xeryaha ciidamada.

Comments are closed