|

Genel Energy oo ka hadashay shidaalka Somaliland

Hargeisa January 18, 2023 (QJ) – Shirka qandaraaska ku heysata shidaal soo saarida Somaliland Genel Energy ayaa ka warbixisay hawlaha ay ka wado degaanada shidaalka laga baarayo.

Genel ayaa ku celisay in Somaliland laga helay shidaal kor u dhaafaya 2 billion oo fuusto. Ceel ku yaala Oodweyne oo shidaalka laga soo saarayo mudo aan la cayimin ayay Genel sheegtay in ay bixineyso kharashkaa boqolkiiba 50, halka ceel kalena ay shirkada CPC ee Taiwan ay bixineyso kharshka soo saarka shidaal gaaraya 200 00 million oo foosto boqolkiiba 49 inta kalena Genel bixineyso.

Shirkada ayaa intaa raacisay in ay bilowday gacan qabadka dadka ku nool degaanada shidaalka laga baarayo.

Hadalkan ay Genel Energy baahisay ayaa imanaya xili dawlada Soomalaiya ay sheegtay in ay tilaabo sharici ka qaadi doonto shidaal soo saarida oo ay ku tilmaantay sharci daro.

Comments are closed