|

Ganacsatada Berbera oo ka gadooday habraac cusub

Berbera January 17, 2023 (QJ) – Xafiisyada canshuur ururinta dekeda Berbera ayaa maalmihii u danbeeyay aan shaqeyn ka dib kolkii la sheegtay in Ganasada dekedaa ay ka biyo diideen habraac ay wasaarada maaliyada ku soorgtay habka canshuuraha loo ururiyo.

Wasaarada ayaa amartay in ganacsatadu qaadi doonto masuuliyada hantida ay lunsadaan shaqaalaha wasaarada ama khalaadaadka miisaaniyadeed ee ka soo baxa ururinta canshuuraha. Ganacsatada oo masuuliyaadaa iska diiday ayaan maalmihii u danbeeyay ka bixin wax canshuuro agabka dekeda ka yaal, tilaabadaa oo saameysay ganacsiga dalka.

Wasaarada oo habraacan laga biyo diiday dhaqangelisay sanadkan cusub, ayaa haatan isku deyeysa in ay wadahal la gasho ganacsatada. Hab maamulka canshuur ururinta iyo maareynta dakhliga dalka ayaa waxa hareeyay dood la xiriirta takrifalka masuuliyiin khaas ah oo sodonkii sano ee u danbeeyay aan la kulmin la xisaabtan dhab ah.

Comments are closed