|

Kenyan loo heysto weerar Kaniisad lagu qaaday

Congo January 17, 2023 (QJ) – Ciidamada amaanka Congo ayaa xabsiga dhigay nin Somali Kenyan ah oo lagu eedeeyay in uu ka danbeeyay qarax 10 ruux ku dhinteen oo Axadii lala beegsaday Kaniisad dalkaa ku taal.

Ninkan oo ciidamada sirdoonka Kiinya magaciisa ay ku sheegeen C/risaaq Muqtaar Garaad oo 29 jir ah kana soo jeeda Wadjeer ayaa la sheegtay in uu ka tirsan yahay jabhada ADF ee ka dagaalanta dalka Uganda.

Jabhada ayaan sheegan weerarka, balse sidan oo kale ayaa Saalim Rashiid Mohamed waxa loogu xiray dalkaa falal la xiriira argagixiso oo ay ka danbeeyeen isla jabhadaa.

Comments are closed