|

Qaadka Kiinya laga keeno oo la laba laabay

Baydhabo January 16, 2023 (QJ) – Warbaahinta dalka Kiinya ayaa baahisay in dawlada Soomaaliya ay fasaxday labalaabka qaadka laga keeno dalka Kiinya iyada oo fursad la siinayo beeraleyda maandooriyaha.

Qaadka iminka Muqdisho laga dejinayo ayaa cadadiisa la gaarsiiyay 50 ton iyada oo uu hore u ahaa 19 ton.

Qiimaha kiiladii Qaadka ah waa $23 dollar. Dawladii hore ee Soomaaliya ayaa Qaadka keenistiisa la joojisay ka dib faro gelin ay Kiinya ku sameysay siyaasada Soomaaliya, dawlada cusub ayaa dib qaadka u fasaxday Julydii hore.

Qaadka ayaa la aaminsan yahay in uu yahay mid gacan ka geysta burburka dhaqaalaha iyo caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.

Comments are closed