Askari dilay nin Shacab ahaa oo dil lagu xukumay
Muqdisho January 15, 2023 (QJ) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa manata xukun dil ah ku riday askari dhawaan Muqdisho ku dilay nin ganacsade ahaa.
Maxamada ayaa sheegtay in askerigu marxuum Abuubakar Maxamed Nuuraani si ula kac ah ugu dilay degmeda xamarweyne dhawaan ka dib kolkii uu diiday in uu siiyo lacag tiradeeda lagu sheegtay shan kun oo shilin Soomaali ah.
Dilka marxuumka oo soomalai badani ka xumaatay ayaa sababtay in xukunkan lagu rido ninkan askeriga ahaa.
Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa tacdiyo kala fogeeyay iyaga iyo shacabka si isdaba jog ah u geysta, dad badanina arintaa ayay ku eedeeyaan degenaansho la’aanta iyo sumcad xumada ciidamada Soomaalida.