|

Kiinya oo dafirtay in ay Hargeysa Safaarad ka fureyso

Nairobi January 14, 2023 (QJ) -Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Alfred Mutua ayaa beeniyay in dalkiisu qorsheynayo inuu safaarad ka furto Somaliland.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay safaarad ka sameysato Hargeysa, sida lagu sheegay baraha bulshada qaarkood iyo kuwa si khaldan u sheegayba,” ayuu yiri Dr Alfred Mutua.

Wasiirka ayaa intaa raaciyey in Kenya safaarad ku leedahay oo keliya magaalada Muqdisho, Kenyana ay ilaalineyso xidhiidhka walaaltinnimo ee labada dal.

Hadalka Mutua ayaa ku soo beegmaya xilli shalay la baahiyey war sheegaya in madaxweyne William Ruto amar ku bixiyay in Kenya safaarad rasmi ah ay ka furaneyso magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa.

Comments are closed