|

Madaxii ISIS Puntland oo la dilay

January 13, 2023 (QJ) – – Xildhibaannada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolada Bariga, oo shir jaraaid ku qabtay manta magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay Xukuumada Somaliland iyo dadka degaanka Sool kala shaqaynayaan xal u helida qalalasaha Laascaanood, Xildhibaanada ayaa ka horyimi baaq ay dhawaan soo saareen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo Somaliland looga dalbaday in ay Laascaanood kala baxaan cidamada.

Xildhibaannadan oo golaha wakiilada ka soo gala Sool iyo Buuhoodle oo ay weheliyaan xildhibaannada golayaasha deegaanka ee degmadmooyinka Laascaanood,Taleex, Xudun iyo Buuhoodle ayaa tacsi u diray dadkii ku wax yeeloobay qalalaasihii Laascaanood.

Waxay sheegeen in ay shacabka la qabaan dhaliilaha loo jeedinayo xukuumada Somaliland, marka ay noqoto sidii ay uga falcelisay mudaharaadyadii, iyo dadkii masuuliyiinta u badnaa ee magaalada lagu laayay.

Waxa ku andacoodeen in gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay ka tirsanyihiin Somaliland, lana xuquuq yihiin shacabka kale ee reer Somaliland, Xildhibaanadu waxa sheegeen in ay soo dhawaynayaan in xukuumadu qaadato masuuliyada dadkii dhintay.

Ciidamada amaanka ayay usoo jeediyeen in ay ka dheeraadaan ficilkasta oo shacabka dhibaato u keenaya, sidookalena shacabka ayay uga digeen in ay sameeyaan ficilo keeni kara in dhibaato soo gaadho.

Xildhibaanada manta hadlay waxay dhaliileen Baaqii qaar kamid ah odayaasha gobolka Sool soo saareen ee in ciidanku ka baxo gobolka waxeyna ku tilmaameen mid aan suurtogal ahayn.

Waxa ay soo dhawaynayeen in Isimada Sool ay Laascaanood yimaadaa si shirwayne ay iskugu yimadaan beelaha gobolku si bey yiraahdeen xal buuxa loogu helo dhibaatada taagan.

Comments are closed