|

Xildhibaanada Sool oo taageeray Somalland

Garoowe January 13, 2023 (QJ) -Ciidanka Ammaanka maamulgoboleedka Puntland ayaa shaaciyay in Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari Abu-Albara Al Amani lagu dilay weerar shalay ka dhacay degaanka Beli-dhidhin.

War ka soo baxay taliska Booliiska Puntland ayaa lagu xaqiijiyay dilka hogaamiyahan ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya.

Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland waxa ay sheegeen in ahaa nin u dhashay dalka Itoobiya degaankiisa Amxaarada.

Booliiska Puntland ayaa horay u dilay Madixii hawlgallada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir, kadib dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad.

Comments are closed