|

Xogta Maxamuud Cabdi Aadan oo 10 million lagu bixinayO

Nairobi January 13, 2023(QJ) -Dawlada Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo doollar u balan qaaday ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii lagu qaaday hotel DusitD2 ee 2019-kii, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah.

Madaxa Waaxda Dembi-baarista Kiinya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo saxaafada kula hadlay xarunta Dembi-baarista Kenya ayaa dadweynaha ka codsaday inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka ‘eedeysane’ Maxamuud Cabdi Aden.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2” ayay tiri safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.

Kooxda Al-shabaab ayaa qiratay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee hoteelka DusitD2.

Comments are closed