|

Soomaali loo kordhiyay sii joogida Mareykanka

Washington January 13, 2023 (QJ)-Dawlada Mareykanka ayaa manta ugu bushaareysay dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn dalkaas ee in la celiyo la xugmiyay ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale.

Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arinkan ku sababeeyay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

Kororka mudada joogitaankooda ayaa ka billaabaneysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda.

Soomaalida joogitaanka loo kordhiyey oo lagu qiyaaso 430 ruux ayaa iminka haysta ogolaasho Joogitaan oo ku meel-gaar ah. Dadka ogolaashaha loo kordhiyay waa in ay ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan oo ay dhawaan shaacin doonto dowladda Mareykanka.

Comments are closed