Soomaali laga cafiyay xukun xabsi dheer
Lesbos January 12, 2023 (QJ) – Maxkamad racfaan ayaa amartay sii deynta muhaajir Soomaali ah oo xabsi dheerku kasbaday inuu dad u soo tahriibiyey dalka Greece.
Mohamed Hanad Abdi, ayaa sanadii 2021 lagu riday xulkun 142 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu doon ay dad ku dhinteen ka soo kaxeeyey Turkey oo uu keenay jasiiradad Lesbos ee Greece 2020-kii.
Maxkamad racfaan oo ku taalla jasiiradda Lesbos ayaa Isniintii waxay xabsigiisa ka dhigtay sideed sano, islamarkaana amartay in la sii daayo ayada oo loo tixgelinayo mudadii uu xirnaa.
Maxamed 29 jir ah ayaa maxkamada u sheegtay in uu doonta naakhuudiyay uun ka dib kolkii nin Turki ahaa oo waday doonta uu isaga tagay, shil ay doonta gashayna waxa ku geeriyooday laba ruux halka 33 kalena la soo badbaadiyay.
Dacwada maxamed waxa soo farogeliyay oo gacan ka geystay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Yurub.