|

Masar oo Soomaaliya ka caawineysa dawlad dhiska

January 10, 2023 (QJ) -Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Bare oo booqanaya dalka Masar ayaa kulan uu la yeeshay dhigiisa dalkaa Mustafa Mabuuli waxa ay uga wadahadleen xoojinta xiriirka walaatinimo ee labada dal.

Kulanka dabadii ayaa dalka Masar waxa ay balan qaaday in ay Soomaaliya ka taageero doonto dib u dhiska iyo horumarinta nidaamka dawladeed ee mudada burbursan.

Labada dal ayaa kala sexeexday heshiisyo la xiriira dhinacyada Waxbaradhada Saxaafada, Diinta iyo dhaqanka.

Safarada iyo heshiisyada noocan ah ee madaxda Soomaalidu ku tagto dalalka caalamka ayaan si wafi ah hirgelintooda bulshada loogu soo dhisin isla markaana aan wax la taaban karo ka soo bixin.

Comments are closed