Puntland oo xiriirka u jirtay dawlada Dhexe
Garoowe January 09, 2023 (QJ) -madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilahi Deni ayaa manta shaaciyay sababta ay Puntland u sexeexi weydey heshiiskii dhawaan lagu gaaray shirkii wadatashiga maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe.
Deni ayaa dawlada dhexe ku eedeeyay in ay wiiqeyso nidaamka Federallka ee dawladnimada Soomaaliya isla markaana ay ka shaqeyneyso sidii ay awooda isugu koobi laheyd.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegtay in sidoo kale heshiiska la soo bandhigay ee labada heer dawladeed aanu xal u baadi goobeyn xaalada siyaasadeed ee Somaliland iyo gooni isutaageeda isla markaana ay Gobolka Sool u xalaaleyneyso Hargeysa.
Nidaamka Federaalka iyo dastuurka haatan Soomalaiya oo lagu soo dhisay Puntland balse Soomaalidu siyaabo kala duwan uga doodo ayaan cadeyn sida uu xal uga noqon karo xaaladaha murugsan ee ku gedaaman dawladnimada Soomaaliya.