Wasiirada Maaliyada dawlada dhexe iyo gobolada oo kulmaya
Muqdisho January 09, 2023 (SD) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maaliyadda qaranka, xaaladaha cafinta daymaha, iyo mideynta canshuuraha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cilmi Maxamuud Nuur oo furay shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay isku yimaadaan.
Wasiirka Maaliyadda Federaalka ayaa sheegay in ay diiradda saari doonaan arrimaha muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha dalka, mideynta nidaamka canshuuraha, iyo dhameystirka shuruudaha barnaamijka deyn cafinta. Shirka Wasiirada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlayaa Mashaariic horumarineed oo Bankiga Adduunka uu ka taageerayo Soomaaliya iyo deeqaha lacageed.