|

Soomaali xabsi 142 sano ah racfaan ka qaatay

Lesbos January 09, 2023 (QJ) – Muhaajir dhalashasiidu tahay Soomaali oo hore xukun xabsi daa’in ah loogu riday ayaa maanta ka maxkamad hortagay si uu racfaan uga qaato xukunkaasi, ninka Soomaaliga ah ayaa taageero ka helayaa xubno ka tirsan baarlamanka Yurub oo sheegay in si khaldan xukunka loogu riday.

Maxamed Hanad Cabdi ayaa sanadkii 2021-kii lagu riday xukun xabsi oo dhan 142 sano, xukunkaasi oo la xiriiray kadib markii dad ay ku dhinteen dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Lesbos ee dalka Greece sanadkii 2020-kii.

Maxamed ayaa sheegay in uu naakhuudiyay doonida kadib markii uu dayacay mukhalas u dhashay Turkiga intii ay ku jirtay safarka. Laba ruux ayaa dhintay ka dib markii ay doontu degtay halka 33 kalena la soo badbaadiyay.

Qaar ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray sheegashada Maxamed Hanad, sida ay qareennadiisu ku doodayaan.

Xubin ka tirsan baarlamaanka Yurub oo Giriiga laga soo doorto iyo xildhibaano kale oo reer yurub ah ayaa hogaaminaya ololaha ku saabsan in qaar badan oo ka mid ah xukunnada noocan ah ee la riday dib loo eego.

Comments are closed