Madaxdhaqameedka Sool oo Soomaaliland fariin u diray
Muqdisho January 08, 2023 (QJ) -Shir ay maanta isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Sool oo ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa bayaan ay ka soo saareen waxa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ee aan degaanka aheyn ay isaga baxaan magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool.
Beelaha Laascaanood oo laba ahaa waxa ay ku baaqeen in shirwayne wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolka Sool dhawaan la isugu yimaado, waxayna ku baaqeen ilaalinta kala danbaynta iyo amniga.
Madaxdhaqameedku waxa kale oo ay sheegeen in Somaliland ay qaadanayso mas’uuliyadda dadkii lagu laayay magaalada Laascaanood iyo intii ay mudaharaadyadu socdeen.