Xasan Sheekh oo fariin u diray reer Laascaanood
Muqdisho January 06, 2023 (QJ) – -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa baaq ku saabsan xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee labada todobaad qasneyd u diray Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka damqanayaan in dad Soomaaliyeed oo calankii huwan in la dhibaateeyo. Madaweynuhu wuxuu sheegay, in Somaliland looga baahan yahay inay hab ka duwan habkii hore u wajahdo xaaladda Laascaanood iyo nabad galyadeeda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in collaadda lasii huriyo, islamarkaana wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in hab ciidan loo adeegsado kicitaanka shacabku sameeyeen, isla markaana shacabka Laascaanood ugu baaqay inay isdajiyaan una diyaar garoobaan xal nabadeed iyo wada hadal.