Laascaano oo ka baxday gacanta Somaliland
Laascaanood January 05, 2023 (QJ) Magaalada Laascaano ayaa maanta dageneyd ka dib kolkii dadka degaanka oo hubeysani ay dagaal xalay kala wareegeen magaalada ciidamada Somaliland ee halkaa ku sugnaa.
Dagaalka ayaa yimi ka dib kolkii ay ciidamadu toogasho ku dileen Maxamed Cali Saadle oo kamid ahaa shacabka Laascaanood.
Dadka degaanka ayaa ku khasbay shirkadaha Internetka in ay adeega dib u soo celiyaan.
Sarkaal u hadlay ciidamada Somaliland oo raaligelin ka bixiyay dilka marxuumka ayaa sheegay in ciidamadu magaalada uga baxeen si xaalka loo dejiyo isla markaana ay haatan ku sugan yihiin xarumahoodii ciidan.
Laascaanod ayaa mudo laba todobaad ah waxa ka socday kacdoon dadka degaanku ku dii dan yihiin joogida ciidamada Somaliland.
Ciidamada ayaa la sheegay in dad lagu qiyaasay 30 ruux oo ka mid ah dibedbaxayaasha in ay toogasho ku dileen.