|

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Gudi u saaray Laascaano

January 02, 2023 (QJ) -Shir uu manta yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga hadalay arimo ay ka mid yihiin hindise sharciyeed ay soo gudbisay dawlada Soomaaliya iyo xaalada magaalada Laascaanood.

Kulnka baarlamanaka oo uu gudoomiyay Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa Baarlamaanka looqeybiyay hindise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, Xildhibaanada ayaa akhris kooban ka dib sheegay in Hindisuhu khalalaad badani ku jiraan isla markaana loo baahan yahay in Wasaarada Maaliyadu dib u habeyn ku sameyso. Hindisaha ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameyo lacagaha Ganacsatadu siiso kooxda Al Shabaab.

Geesta kalena Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in Guddi baarlamaani ah loo saaro xaalada magaalada Laascaanood, xildhibaanadu ay la qaateen soo jeedinta.

Comments are closed