|

Al Shabaab oo xanibtay Hormuud

Muqdisho December 27, 2022 (SD) -Kooxda Al Shabaab ayaa la shaaciyay in ay xayiraad ku soo rogtay Shirkada isgaarsiinta Hormuud. Ilo wareedyo ay xigatay iddaacada Mareykanka ee VOA ayaa arinkan sheegay.

Shirkada iyo kooxda Al Shabaaba arinkan weli may ka hadal. Xayiraada la baahiyay ayaa imaneysa xili Al Shabaab laga saaray degaanada hoostaga maamulka Hirshabelle.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegtay in kooxda ay horay u burburiyeen anteenooyinka xarumaha isgaarsiinta Hormuud oo ku kala yaala gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe si ay u godoomiyaan degaanada laga saaray.

Shirkadaha ganacsiga Soomaalida ayaa hore loogu eedeeyay in ay Shabaabka siyaan canshuuro ay ku maalgeliyaan hawlgalada

Comments are closed