Sadexda Xisbi qaran oo shatigii ka dhacay
Hargeysa December 26, 2022 (QJ) – Waxa manta mudo sharciyeedkii xisbnimo ee tobanka sanadood kaga eg yahay maanta sadaxda xisbi qaran ee Kulmiye Wadani iyo UCID oo sharciyada xisbinimo helay ka dib doorashooyinkii Degaanka ee 2012kii.
Mudo xileedka dhamaaday ee xisbiyada ayaa imanaya xili mudo xileedkii Madaxweynaha fadhiyaa uu dhamaaday bishii hore, sidoo kalena Gollaha guurtida oo aan ebid la dooran ay iyaguna sharciyad ku fedhiyin.
Xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland ayaa dhigaya in uradu ay ka qeybgelikaraan uun tartanka goleyaasha Degaanka halka xisbiyaduna ay ka qeybgeli karaan uun ta doorashooyinka Wakiilada iyo ta Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.
Somaliland oo hore loo kala qaaday doorashooyinka ururada iyo ta Degaanka ayaa wejeheysa hubanti la’aan dhanka doorashooyinka ka dib kolkii Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday uu ka dhago adeygay qabashada doorashada sharciga ah ee madaxtooyada iyada oo xisbiyada mucaaridkuna ku guul dareysteen cadaadis in ay ku saaraan Madaxweynaha ku dhaqanka xeerarka tibaaxaya kala horyenta doorashooyinka.