Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo dhaliil u jeediyay dawlada dhexe
Baydhabo December 26, 2022 (QJ) –Â Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta eedeeyay dawlada federaalka Soomaliya in ay qeyb ka tahay khilaafka dhiigu ku daatay ee salka ku hayamudokororsiga madaxweyne Laftgareen.
Xildhibaanada oo manta saxaafada la hadlay ayaa ciidamada dawlada federaalka ku eedeeyay in loo adeegsanayo sidii Khalkhal loo gelin lahaa maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada ayaa iska fogeeyay in ay mudo kororsiga dhiigu ku daatay iyagu ansixiyeen, balse ay iswaafajiyeen uun mudo xileedyada Baarlamaanka iyo ta Madaxweynaha.
Hadalka xubnaha Baarlamaanka K/Galbeed ayaa daba socda khilaafka siyaasadeed ee ka jira Baydhabo oo salka ku haya mudo xileedka dhamaaday ee Madaxweynaha.
Goleyaasha sharci dejinta degaanada Soomaalida ayaa inta badan shuruuc ay dano gaar ah ka leeyihiin sababaan dhiig qubta oo aan inta badan lagala xisaabtamin.