|

Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dawlada dhexe oo shiraya

Muqdisho December 26, 2022 (QJ) – Waxa manta Muqdisho shir wada tashi ah uu uga furmay madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Shirka ayaa looga wada hadli doona arrimaha Garsoorka, federaalka iyo dagaalka ka dhank ah kooxda Al Shabaab.

Shirka ayaa imanaya xili madaxweyneyaasha maamulada ka tirsan federaalka uu dhamaanyayo mudo xileedkooda, halka sida Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Laftagreen uu dhamaaday mudo xileedkiisii.

Waxa jira tuhuno damac mudo kororsi oo lala xiriirinayo madaxda maamul goboleedyada.

Comments are closed