|

Xisbiyada Somaliland oo uu maanta ka dhacay liisanku

Hargeysa. 26 December, 2022. (QJ)- Xisbiyada Somaliland ayuqu maanta ka dhacya liisanka sharciga ah ee ay ku noqdeen xisbiyo kaas oo la siiyay 10-sanno ka hor, waxaana sidaas sheegtay gudida diwaan gelinta axsaabta iyo ururada siyaasadda ee Somaliland.

War kasoo baxay gudida ayaa lagu sheegay in liisankii sharcig ahaa ee xisbiyadu uu dhacay iyadoo ay tahay in imika wixii ka danbeeya ay xisbiyadu u hogaansamaan dhammaan sharciyada iyo tallaabooyinka ka dhalanaya liisankooda dhacay.

Arintan yaa aka dhigan in sharciyadii ay ku fadhiyeen xisbiyadu ay dhamamatay.

MAXAA XIGAYA

Xisbiayda Kulmiye, Ucid iyo Waddani waxay liisanka qaateen 10-sanno ka hor maanta oo kale iyadoo xeerka ururada ee Somaliland aanu si waafi ah u qeexahayn inta doorasho ee ay geli karaan xisbiyadu iyo mudada ay ka bilaabmayso ama ku dhaamaanayso 10-ka sanno ee ay haystaan.

Waxa xigaya ayaa ah in xisbiayda imika jira ay ahaan doonaan xisbiyo qaran illaa inta laga helayo xisbiyo beedela inta ay qaadataba, waana sunne iyo dhaqan Somaliland ka jira.

Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku doodaya in madaxweynahaba ay mudadiisu dhammaatay iyagana marka ay dhamaato aanay wax saamayn ah keeni doonin iyagoo doonaya in ay galaan doorashada madaxtooyada.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa war laga sugayaa kadib marka ay dhammaystiraan diwaan gelinta imika furmaysa.

Comments are closed