Laftagareen oo Wasiiro ka horyimi bedelay
Baydhabo December 25, 2022 (SD) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis (Laftagareen) ayaa wareegto uu soo saaray xalay xilka uga qaaday labo kamid ah golihiisa wasiiradda, isaga oo sidoo kale magacaabay kuwa cusub.
Madaxweynaha ayaa isku shaandheynta sameeyay ka dib kolkii wasiiradu ka horyimaadeen sida uu madaxwynuhu u maamulay dhacdadii dadku ku dhintaan ee dhawwnta Baydhabo ka dhacday.
Wareegtada uu xalay soo saaray madaxweyne Laftagareen ayaa uga sii dari karta khilaafka siyaasadeed ee dadku ku dhinteen ee ka dhashay mudo kororsiga madaxweynuhu sameystay oo aan la isla ogoleen.
Madaxda Soomaalida ee degaanada Geeska Africa ayaa inta badan aduun, dhiig shacab iyo mid ciidanba u hura damac mudo kororsi sharciyadiisu aaney sugneyn.