|

Kaluumeysato Iraan iyo Pakistaan u dhashay oo la sii daayay

Tehran December 25, 2022 (SD) – Dowladda Iran ayaa xaqiijisay in ay maanta dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejisay kalluumeysato oo maxbuus ahaan loogu haystay gudaha Soomaaliya.

Kaluumeysatada oo biyaha soomaaliya ay markii hore ka qafaasheen Burcad badeed ayaa markii danbe lagu wereejiyay kooxda Al Shabaab. Iran ayaa sheegtay in dedaal dheer oo ay gelisay siideynyta kaluumeysatada dib dalkooda loogu soo celinayo.

Kalluumaysatadan tiradoodu tahay 20 qof ka soo jeeda Iraan iyo Pakistan ayaa Soomaaliya lagu hayay 8 sanadood. Kaluumeysata Soomaaliyeed ayaa dhankooda caqabado farobadan kala kulma shisheeyaha sharcidarada uga kaluumeysta badahooda.

Comments are closed