|

Baydhabo oo maanta degeneyd

Baydhabo December 24, 2022 (QJ)- Magaalada Baydhabo ayaa maanta dagan, kaddib dagaal dad ku dhintay shalay oo dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo maanta hadlay, ayaa ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo, baaritaana lagu sameynayo shaqaaqadii ka dhacday Baydhabo ee ay ku dhinteen in ka badan 10 qof.

Madaxweynaha oo aan sheegin cida leh masuuliyada dhacdadii shalay ayaa mucaaridka ugu yeeray ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo Januery 5teeda ka furmaya Baydhabo.

Comments are closed