|

AFRICOM oo duqeyn ku leysay Al Shabaab

Djibouti December 24, 2022 (QJ) – Taliska ciidamada Mareykanka eeAFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn ay Jimcihii ka fuliyeen agagaarka degmada Cadale oo dhacda qiyaastii masaafo 150 mile u jirta Muqdisho.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi uu ka dhashay codsi uga yimi dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Weerarkan oo ah kii sadexaad ee AFRICOM Aay qaado bishan ayaa muujinaya kororka weerarada Mareykanku la beegsanayo kooxda Al Shabaab oo dagaal looga saaray degaanadii u badnaa, ma jirto qorsho dhaafsiisan dagaalkan degaaneysay oo mujtamica ilaa iyo haatan loo soo bandhigay.

Comments are closed