Dood weli ka dhex taagan gudaha Xisbiga Kulmiye iyo waxa ay tahay
Hargeysa. 24 December, 2022. (QJ)- Gudaha Xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland waxa weli ka dhex taagan dood aanay masuuliyiintu isla qaadan oo ku qotonta mustaqbalka Xisbiga Kulmiye iyo cidda ku xigta Muuse Biixi.
Dooda ayay saldhigeedu tahay faa’iidada Kulmiye ugu jirta Doorashada Ururada iyo murashaxnimada Muuse Biixi oo illaa hadda ah mid aan cadayn.
Maxamec Kaahin oo isu arka in uu yahay cidda bedelaysa Muuse Biixi wuxuu miiska keenay doodo ku qotoma mustaqbalka Kulmiye iyo in uu Muuse Biixi murashaxnimadiisa mar danbe ka tanaasulo. Doodaha ay qabaan garabka Maxamed Kaahin waxa sidoo kale ka mid ah “in hadii Doorashada Ururada la galo uu soo baxayo Kulmiye, Waddani iyo xisbi aan la ogayn balse u badan Kaah.” Su’aasha ay keeneen ayaa ah imaatinka Kaah faa’iido ma u leeyahay Kulmiye?
Muuse Biixi ayaa ka gaws adaygay in uu doodahaas qaato mudadii lagu jiray shirarka Kulmiye oo laba bilood gudahood shan jeer kulmay.
Warka ugu wayn ayaa soo bixi doona marka la dhammaystiro diwaan gelinta doorashooyinka Somaliland, iyadoo madaxweynaha looga fadhiyo in uu hadal jeediyo markaas.