|

Dawlada oo labo sanadood u qabatay Al Shabaab

Muqdisho December 23, 3033 (QJ)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso in muddo laba sano gudahood ah dalka looga saaro Ururka Al-Shabaab.

La taliyaha amniga qarankee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in jiritaanka Alshabaab uu ku yimid ducfi dowladda ah iyo go’aan xumo.

La taliyaha oo u waramay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dagaalka Al-Shabaab kala kaashaneyso dowlado shisheeye ay haatan isku filaasho gaareen.

Dawlada Soomaaliya oo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab haatan la kaashaneysa beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku guuleysatay in degaano badan lagala wareego Al-Shabaab.

Comments are closed