|

QM ooogolaatay dib u dhigida bixida ATMIS

NY December 22, 2022 (QJ) – – Golaha Ammaanka ee QM ayaa ansixiyay go’aan ay horey u gaareen Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, oo ahaa in dib loo dhigo dhimista 2,000 oo askari oo katirsan ciidamada ATMIS ee bishan ilaa 30ka Juun 2023.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2670 (2022), ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in si tartiib tartiib ah, oo lagu ilaalinayo jadwalka bixitaanka ATMIS ee 31ka Diseembar 2024. Golaha ammaanka ayaa faray Soomaaliya inay isku dubo rido qorshaha dhisida ciidamo qaran gollahana loo soo gudbiyo 30ka Abriil 2023.

Qaraaraka QM ayaa sidoo kale sheegaya in shir rasmi ah ay isugu yimaadaa 31-ka March 2023, shirkaas oo lagu lafo guri doono marxalada la wareegida amniga oo ay ka qeyb galayaan Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Comments are closed