Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo dhaliilay Khaatumo
Jigjiga December 19, 2022 (QJ) – Wasiirka Warfaafinta ee dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya C/risaaq C/rashiid ayaa manta sheegtay in dawlada Degaanka Soomaalidu aaney ka war heyn isla markaana ogoleyn in Shir ka dhan ah Somaliland degaankooda lagu qabto.
Wasiirka oo ka hadlayay shir dhawaan Jabhada Khaatumo ku qabatay JIGJIGA ayaa sheegtay in uu lidi ku ahaa Somaliland oo xiriira dhawi uu ka dhexeeya, shirkaa oo laga soo saaray qodobo lidi ku ahaa Somaliland.
Shirka ayaa la qabtay ka dib mar ay Warbaahinta Somaliland dhawaan siideysay warbixin ay RW Itoobiya Abiy Ahmed ku dhaliishay isla markaana ku sheegtay in uu xasuuq geystay.
Ma aha markii u horeysay ee uu maamulka Khaatumo shir ku qabsado dalka Itoobiya, shirkan u danbeeyay ayaase waxa ka dhashay doodo dheeri ah.