Weriye Jamaal Cusmaan oo Muqdisho laga mustaafuriyay
Muqdisho December 19, 2022 (QJ) – Waxa magaalada muqdishu in uu galo loo diiday ka dibna laga mustaafuriyay Wariye Jamal Osmon oo u shaqeeya televisionka Chanel 4 ee dalka UK. Sida warbaahinta maxaliga ahi ay baahineyso.
Wariyaha oo shalay gaaray Muqdisho ayaa waxa dhaqdhaqaaq u diiday heyada nabadsugida NISA, ka dibna sida la sheegtay amartay in dalka laga mustaafuriyo.
Wariyaha oo dhawaan baranamij ka diyaariyay Al Shabaab ayaa hore loogu eedeeyay in uu buunbuuniyay saameynta Shabaabka, wariyaha ayaa arinkaa waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Dawlada Soomaaliya ayaa dhawaan warbaahinta dalka dul dhigtay amaro lagu xadidayo baahinta wararka ku saabsan Al Shabaab. Heyada NISA, iyo weriyaha ayaan midkoodna weli ka hadal dhacdadan la baahiyay.