|

Shabaab oo lagu eedeeyay qafaalasho

Mogadishu December 17, 2022 (QJ) – Afhayeenka ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay bilowday afduubashada qoysaska ciidanka macwuusleyda ee qeybta ka ah gulufka ka dhanka ah kooxdaasi.

S/guuto C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in kooxdu ay ka falcelinayaan in qoysaska ay caruurtooda afduubteen in ay hubka qaateen.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay Al-shabaab kala wareegeen deegaano oo ay ku jirto saldhigoodii u weynee oo ku yiilay degmada Aadan Yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dawlada ayaa sheegtay in degaanada dadkii degenaa badankood ama laga afduubtay ama la baro kiciyay oo ay haatan maran yihiin.

Geesta kalena, Ciidamada Soomalaiya ayaa manta sheegtay in ay dagaal ka dhacay Degaanka Daru-Naciim ay ku laayeen tiro dagaalyahano ka tirsanaa kooxda Al Shabaab.

Warbaahinta dawlada ayaa sheegay in dagaalka manta lgu dilay 40 dagaalyahan oo isugu tegay halka. Hawlgalka oo u muuqday mid duqeyn ahaa ayaa la sheegtay in meydadka dagaalyahanadu yiileen dhufeysyo ay halka ka qoteen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo aan kala joogsi laheyn ka fulinayay tuulooyinka iyo deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Comments are closed