Kulmiye oo ka walaacsan doorashada ururada kadib shir ay maanta yeesheen
Hargeysa. 11 December, 2022. (QJ)- Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye ayaa maanta shir ku yeeshay maagaalda Hargeysa iyadoo ay tahay kulankii shanaad ee bil gudaheed ay iskugu yimaadaan Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye.
Shirka ayaa ka dhacay hoolka guriga madaxweynaha ee ku yaala xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa waxaana kasoo qayb galay xubnaha gudida fulinta. Ma cada weli in Maxamed Kaahin uu shirka tegay iyo in kale.
Qurbejoog ayaa ogaatay arimaha laga hadlay iyo kwua keenay shirkaba iyadoo ay jirto kala qayb sanaan xoogan oo wakhtigan uu wajahayo xisbiga Kulmiye. Dooda miiska saarnayd ayaa ah waxa uu faa’iidayo Kulmiye iyo Muuse Biixi hadii doorashada ururada la qabto kadib ay soo baxaan Kulmiye, Waddani iyo ururka kale ee codadaka ugu abdan heli akra oo ah Kaah. Su’aashan ayaa dhinacyada ku adkaatay faa’iidada ay ka helayaan in Kaah meesha yimaado xisbigii dagaalka lala galay ee Waddani na uu weli sii joogo.
Muuse Biixi ayaa hadaladiisa laga dhadhansanayay in uu ka cararayo “waa laga adkaaday” isagoo weli doorashadii ururada ku dhegaana xubnahana la wadaagay.
Waxa la isla qaatay in Muuse Biixi uu berri oo Isniin ah warbaahinta la hadlo balse lama oga in amdaxtooyadu ay ka duubi doonto iyo in uu u yeedhi doono warbaahinta madaxa banaan. Loogama baran in uu warbaahinta u yeedho Muuse 5-tii sanno ee uu ahaa madaxweynaha.
ARIMAHA KA SOO KORDHA KALA SOCO QURBEJOOG.COM