Al Shabaab oo weerar ka fuliyay duleedka Gaarisa
Gaarisa December 06, 2022 (QJ) – Weerar ay kooxda Al Shabaab ka fuliyeen guddaha dalka Kiinya manta ayay ku beegsadeen ciidamo safar ku marayay duleedka magaalada Garissa
weerarka lala beegsaday ciidamada socdaalka ahaa oo ka dhacay aaga Yunbis ayaan si madaxbanaan loo shaacin khasaaraha ka dhashay.
War ay soo saareen Al Shabaab oo lagu sheegtay weerarka ayaa lagu sheegay in khasaare baahsan ay Shabaabku u geysteen ciidanka Kiinya.
Halka ciidamada Kiinya ay dhankooda sheegteen in ay fashiliyeen weerarka halka ay dhanka kalena sheegeen in ay ku daba jiraan ragii fuliyay weerarka.
Shabaabka oo ka soo horjeeda joogida ciidamada Kiinya ee Soomaaliya ayaa weeraro soo noqnoqday ka fuliya guddaha Kiinya.