|

Qorshihii Muuse Biixi ee Komishanka Doorashooyinka oo fashil ku dhow

Hargeysa. 6 December, 2022. (QJ)- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamamaday ee Somaliland ayaa ku fashilmay qorshihii uu ka lahaa Komishanka Doorashooyinka Somaliland, balse weli wuxuu ku raad joogaa siduu u isticmaali lahaa kaadhka Komsihanka.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa si cad u diiday in ay ururada la kulmaan ama ka qabtaan warqado codsi oo ay u qoreen kuwaas oo ku aadaanaa in ay yihiin daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland. Xogo ay ehshay Qurbejoog ayaa muujinaya in xubnaha Komishanku ay u sheegeen ururada in aaya meelna ugu qornayn sharciga hor yaala ee aanay dibna u iman xarunta Komishanka.

Muuse Biixi ayaa Gudida Ururada iyo Daladda Ururada u sheegay in ay u tagaan Komishanka una sheegaan in ay xagooda doorashadii ku xidhan tahay wakhtigan balse Komishanka aya jawaba cad oo diidmo ah siiyay ururada.

Qorshaha Muuse Biixi ayaa ahaa in ay Komishanku doorashada ururada ku qabtaan warqadii maxkamadda sare balse taas ayay xubnaha komishanka oo dhami isla qaateen in ay tahay mid aan jirin.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ayaa xogo aanu ka helnay ay sheegayaan in ay sila qaateen doorashada madaxtooyada oo jadwalkii u dajisnaa ay ku qabtaan, sial markaana anaay taaban wax doorasho ururo ah illaa inta ay xeer ka helayaan.

Comments are closed