Weftiga Maraykanka ee Hargeysa iman lahaa oo dib u dhacay
Hargeysa. 5 December, 2022. (QJ)- Warbaahinta Qurbejoog ayaa ogaatay in ay dib u dhaceen wefti ballaadhan oo ka socday dalka Maraykanka gaar ahaan safaaradda Soomaaliya oo Hargeysa iman lahaa, kuwaas oo la filayay maalintii Sabtida in ay soo gaadhaan Hargeysa.
Maraykanka ayaa ku gaabsaday in duruufo u gaar ah iyo kuwo ammaan aanay wakhtigan suurtagal u ahayn in ay Hargeysa yimaadaan balse ay ka go’antahay sii wadida dedaalada xal loogu keenayo khilaafka ka taagan Somaliland.
Bisha danbe ee January ayay sheegeen in ay iman doonaan Somaliland markaas oo ay sii anba qaadi doonaan waxa ka suurtagala heshiiska ay wadaan hadda ee mucaaradka iyo xukuumadda.
Xogo ay heshay Qurbejoog waxa ay sheegayaan in Beesha Caalamku qorshaynayso tallaabo culus oo ka dhan ah Muuse Biixi balse ay ku qaadan doonaan tallaabooyinkiisa inta lagu jiro bishan, waana fariinta uu gudbiyay danjirihii dhawaan ka laabtay Hargeysa ee u dhashay waddanka Denmark kaas oo la kulmay Muuse Biixi iyo dhinacyada mucaaradka.