|

Halkee ayay Somaliland u socotaa xili la isla wada aamusay

Hargeysa. 4 December, 2022. (QJ)- Somaliland waxa ka taagan weli khilaaf ballaadhan oo u dhexeya xukuumadda iyo mucaaradka dalka, iyadoo dhinac waliba uu imika hakiyay bayaanada ku aadan mawqifyadooda ku aadan khilaafka jira.

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta la iskula wada aamusay iyo qorshaha dhinac walba, iyadoo Qurbejoog ay qormadan ku eegi doonta qorshaha dhinac kasta iyo sida ay wax u jiraan.

MAXAY DAMAC SAN YIHIIN MUCAARADKU

Mucaaradka Somaliland waxay yareeyeen hadalada kasoo baxaya gaar ahaan hogaanka xisbiga oo aan warbaahinta hor iman tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in aanay aqoonsanayn Muuse Biixi iyo xukuumadiisa. Waxa la arkayay gudoomiyaha xisbiga UCID oo isagu mar dib ugu celiyay mawqifkoodaas kadib waraysi kooban oo uu bixiyay.

Beesha Caalamka ayaa mucaaradka ka dlabaday in aanay warbaahinta la ahdal isla markaana ay dajiyaan dadka taageersan, iyagoo u balan qaaday dedaalo ay wadaan oo xal keeni doona arinatas oo keentay in ay mucaaradku ka istaagaan tallaabooyinka ay qaadi laahaayeen. Beesha Caalamka ayay tahay waxa kaliya ee ay sugayaan mcuaaradku wakhtigan, iyadoo la filayo in Maraykanku uu xal keeni loona badinayo in la isa saaro labada doorasho.

Waxa jira iyaguna xoogaga atageersan mcuaaradka oo sugaya go’aanka ugu danbeeya ee madaxda mucaaradka, waxa aynu ak xusi akrnaa ciidamo abdan oo ku sugan gobolada Saaxil iyo Togdheer kuwaas oo u diyaarsan in ay ka jaawaabaan baaq kasta oo mcuaaradka kasoo baxa hadii ay diidaan xukunka Muuse Biixi, balse dad badan ayaa aaminsan in ay mucaaradku la daaheen go’aanad aiyagoo isku haleeyay oo kaliya Beesha Caalamka.

MUXUU DAMAC SAN YAHAY MUUSE BIIXI

Muuse Biixi wuxuu suagayaa 26 December oo ah wakhtiga uu ka dhacayo liisanku xisbiyada imika jira, wuxuuna doonayaa in uu soo saaro bayaan uu kus heegayo in ay dhaceen xisbiyadu isla markaana aanay wax xuquuq ah ku lahayn Somaliland.

Sharciga Somalialnd waxa uu dhigayaa in hay’adaha aranka ay bedeli karaan oo kaliya hay’ado kale oo lasoo doortay.

Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in hadii la gaadho 26 December iyada oo aan heshiis la ahayn ay atasi keeni akrto sikud hacyo dhinacyada dhex amra maadaama sharci ahaan shaha dhinac waliba uu dhacay.

Comments are closed