Urur siyaasadeedyada Somaliland oo shahaado la siiyay iyo ujeedada
Hargeysa. 3 December, 2022. (QJ)- Ururada Siyaasadda Somaliland ayaa maanta la siiyay shahaado muujinaysa in ay yihiin ururo siyaasadeed oo sharci ah, iyadoo ay tahay shahaadada ay doorashada ku galayaan.
Muuse Biixi ayaa Hore u amray in aan shahaadada la siin iyadoo uu ku dhawaynayay mudada uu liisanku ka dhacayo xisbiyada oo ah 26 December.
Kaadhka ururada la siiyay shahaadadu waa qorshaha kaliya ee Muuse Biixi u hadhay si uu Komishanka Doorashooyinka ugu cadaadiyo in ay qabtaan doorashada ururada.
Xogo ay heshay warbaahinta Qurbejoog waxay sheegayaan in Muuse Biixi uu imika wado qorshaha in uu adeegsado xubno Komishanka ah iyadoo la kaashanayo ururada siyaasadda ee shahaadada la siiyay.
Komishanka Doorashooyinka Qaranku ma hayaan illaa Hadda xeer ay ku qabtaan doorashada ururada balse Muuse Biixi ayaa aminsan in qaraarkii Maxkamadda Sare la raaci karo, sida uu dhawr jeer sheegay.
Aragtida mucaaradka Somaliland Waa in la qabto doorashada madaxtooyada ama aanay jiri doonin doorasho kale oo Somaliland ka dhacda.
Xaaladda taagan car iyo wir ee Somaliland ayay ka walaacsan yihiin khubaradu iyadoo saacad walba khilaafku gacan ka hadal isu bedeli karo.